Sheekadan Waxay kusaabsantahay wiil caajislow ah iyo Odey Xigmad badan

Waqti waqtiyada ka mida waxaa jiray wiil dhalinyaro ah oo ku nool tuulo yar, waxa uu ahaa mid aad ucaajis badan kaas oo hawlihiisa iyo shaqo maalmeedkiisa dib udhiga taasina waxay u keentay inuu ka haro asaagiis iyo saaxiibadisii waxbarashada,

Waxayna macalimiintisa iyo ehelkiisuba usheegeen inuu ka faaidaysto waqtigiisa oo uusan dayicin, laakiin dhag jalag umasiin waanada iyo talada dadka ka waawayn ,   dana kama uusan galin mustaqbalkiisa, wuxuuna si joogta ah ugu lumen jiray waqtiisana waxyaabo maala yacni ah oo aan waxba kusoo kordhinayan noloshiisa.

Maalin maalmaha ka mida ayaa waxaa tuuladiisa yimid nin odey ah oo xikmad badan kaasoo dadka la taliy

Dab badan waxaa saf ugaleen siday ula kulmi lahaayeen oo wax uga baran lahaayeen odayga xikmada badan, wiilkii yaraa asna waxaa uu go,aansaday inuu lakulmo si uu uga helo talooyiin uu ku dhaafi karo saaxiibadiisii bari hore dhaafay. Waxa uu tagay halkii uu odaygu joogay waana uu hor fariistay . waxa uuna ku yiri mudane waxaan doonayaa inaad ilatalisid waaan ku fashilmay nolosha waanan ka haray asaagay iyo saaxiibadaydii  waxaana rabaa inaan dhaafo oo aan noqdo mid ka feecan dhamaantood,

Odaygii waxa uu si naxariisle u eegay wiilkii yaraa waxa uuna ku yiri wiilkaygiyow sababta  aad uga hartay aad facaa waa waqtigaagi oo ad dayacday. Wax walba dib ayaad udhigtaa oo waxaad lumisaa waqti qiima badan kaas oo aan dib kuugu soo laaban doonin . aan kuusheego qiso hada ka hor dhacday oo kahadlaysa qiimaha waqtiga,

wiilkii yaraa dhagta ayuu raaririciyay si taxadarleh buna udhagaystay odaygii xikmada badnaa

Odaygii waxa uu yiri “ hada kahor waxaa jiray boqor aad unaxariis badan oo deeqsi ah waxaa uu jeclaa dadkiisa wax walboo ay rabaana wuu ka caawin jiray, maalin maalmaha kamida waxa u yimid saaxiibkiisi hore  oo ay isku fasal ahaan jireen xiligi ardaynimada

 saaxiibkiis waxuu ahaa mid caajis badan oo faqiir ah mana haysan shaqo. Iyo lacag dadkuna ma aysan ixtiraami jirin maadaam uu marwalba dadka ku eedayn jiray hawlaha isaga ka dayacan halkii uu qabsan lahaa. Boqorku wuu aqoonsaday saaxiibkiis aadbuuna uga xumaaday xaaladiisa. Waxa uuna wax ka waydiiyay noloshiisa iyo dhibta uu ka cabanayo

Ninkii faqiirka haa waxa uu yiri boqorow shaqa la.aan baan ahay qofkasoo aan shaqo waydiistana wuu iga diidaa cadowgaygii baa dadkoo dhan usheegay in aanan shaqayn Karin oo lazy ahay wax aan smaeyana ma garanayo  

Boqorkii waxa uu ugu jawaabay heshis Ayaad ilagalaysaa kaas oo ah fursad Ayaan kusii nayaa inta aysan qoraxdu dhicin maantay waxaa aad timaada khasnadayda lacagta iyo dahabka waxaad rabtidna ka qaado adiga ayaa iska leh

Faqiirkii aad ayuu ufarxay isagoo umahdaceliyay booqorkii deeqsigaahaa

Waxaa uu ku orday gurigiisa waxa uuna xaaskiisa u sheegay arintii boqorka  xaaskiisuna aad ayay ufaraxday sidoo kale waxayna ku tiri orad hada tag khasnada oo noosoo qaad dahab iyo lacag farabadan

Ninkii faqiirka ahaa waxa uu yiri ma tagi karo hada waan gaajaysnahay  ee marka hore qado ii kari

Xaaskiisii waxay si dhaqsa leh ugu karisay qadadii wayna ukeentay

Ninkii qadadiisa ayuu si tartiib ah isaga cunay isagoo umalaynaya in uu haysto waqti badan oo uuku tagi karo meshii uu rabay

Markii uu qadeeyay hurda ayuu ladhacay wuxuu yiri xoogaa Ayaan nasanayaa ee yaan layga qasin

Kadib hurdo ayaa latagtay waxa uuna jifay 2 saacadood oo xiriir ah

Markii uu soo baraarugay wuxaa arkay in ay tahay galab waqti badana uu katagay, isagoo naxsan ayuu qaatay dhawr boorso waxa uuna u orday khasnadii boqorka  dhankeedii

Intii uu sii baqoolayay qoraxdii ayaa ku kululaatay waxa uuna fariistay geed hoostiis si uu nasto,

 xoogaa ayuu iskala bixiyay waana uu gam.ay hurdadii ayaa la fogaatay oo waxa uu hurday afar saacadood oo kale

Markii uu soo kacay waxa uu ogaaday inay tahay casarliiq qoraxdiina dhulka udhawaatay

Aad ayuu unaxay wuuna orday intii tabartiisa ahayd isagoo ujihaysnaya qasrigii boqorka

Waqti kadib waxa uu gaaray qarsigi boqorka  laakiin waxa ay ahayd waqti danbe oo ay qoraxdii dhacday albaabadii qasrigana mar hore laxiray

Ninkii caajiska badnaa aad ayuu umurugooday farta ayuuna dhexda ka qaniinay waxa uu lumiyay fursadii ugu qiimaha badnayd  noloshiisa taasoo uu ku taajirilahaa sababtoo ah ma uusan qiimayn waqtigiisa ”

Odaygii xikmada badnaa waxa uu dhamayay qisadii wuxuuna eegay wiilkii yaraa

Wiilkii hadalka ayaa kasoo bixi waayay waxa uu ogaaday khaladka inuu isagu leeyahay wuxuuna dareemay ceeb iyo yaxyax

Odaygii ayuu umadceliyay waxa uuna balan ku qaaday inuu naftisa waxka badalayo

waxa uu fahmay in waqtigu qiima badanyahay uusana mudnayn in la khasaariyo

isla markii guriga ayu ku laabtay waxa uuna bilaabay inuu si adag ushaqeeyo si uu ugaaro yoolkiisa

waxa uuna joojiyay dib udhigida si uu unoqda mid wax soo saarleh oo gulaysta

sidoo kale waxa uu noqday mid faraxsan kaas oo ay saaxiibadiis iyo familkiisaba ixtiraamaan

Sheekadaan waxaan ka baranaynaa qiimaha waqtigu leeyahay iyo khasaaraha uu lakulmayo qofka dayaca waqtigiisa

hadii aynu eegno nolosheena waxa aynu ogaanaynaa in waqtigu yahay dahabka oo kale waana shayga ugu qaalisan ee aan haysano

kaliya waxaan haysanaa waqti kooban nolosheena waana in aynu u isticmaalno si xikmad iyo  wax soo saarleh

waa in aynaan ku dhumin waxyaahaba maala yacniga ah ee aynu ku mashquulno  waxyaabaha nafciga leh ee mustaqbalkeena dhisaya

sidoo kale waa in aynaan dib udhigin howleheena iyo shaqooyinkeena laakin aynu ku qabano waqtigii loogu talagalay si taya leh

waxaa jirta oraah can ah taaso dhahaysa

hadii aad waqtigaaga qiimaysid waqtiguna waa ku qiimayn doonaa

laakiin hadii aad ku ciyaarto waqtigaaga waqtiguna waxa ku ciyaaraya noloshaada oo Idil

wax walba waynu qabsan karnaa anagoo waqtigeena aan u isticmaalayno si xigmadaysan

laakiin hadii aynu lumino waqtigeena sidoo kale waxaan luminaynaa fursadaheena dib Ayaan ka shalaayaynaa  sida ninki caajiska badnaa oo kale

ka baro qiimaha hal daqiiqo ninkii safrayay ee uu tareenku ka tagay daqiiqad uu daahay darted

sidoo kale ka bar o qiimaha 1 sano ardaygii ku dhacay Imtixaanka sanadlaha ah ee dib loo celiyay

Fadlan nalawadaag Aragtidaada Kusaabsan Sheekadaan

Comment
Read more